Home » Falanqeyn » RASMI: Harry Kane Oo Qandaraas Cusub U Saxiixay Kooxda Tottenham

RASMI: Harry Kane Oo Qandaraas Cusub U Saxiixay Kooxda Tottenham

harryWeeraryahanka kooxda Tottenham Harry Kane ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kooxda kula sii joogi doono kooxda White Hart Lane ilaa 2022, sida ay xaqiijisay kooxdiisa.

Xiddiga reer England ayaa ah ninka ugu goolasha badan kooxdiisa xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay lix gool, inkastoo uu seegay bilowga xili ciyareedkaan.

Si kastaba ha ahaatee, 23-sano jirkaan ayaa garoomada kusoo laabtay kulankii Arsenal kooxd shan gool afartiisa ay wajaheysay markaasoo gool uu dhaliyay.

Kane ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Spurs, laakiin kooxdiisa ayuu haatan mustaqbalkiisa u hibeeyay, isagoo saxiixay heshiis cusub oo lix sanno ah.

“Waxaa la yaab leh. Qof walba inuu ogyahay jaceylka aan u qabo kooxda Tottenham, halkaan waxaa sii joogi doonaa ilaa muddo fog ayuu hadalkiisa ku daray.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/41132/">RASMI: Harry Kane Oo Qandaraas Cusub U Saxiixay Kooxda Tottenham</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *