Home » Horyaalada » Premier League » Antonio Conte Oo Ku Dhawaaqay War Farxad U Ah Jose Mourinho Iyo Manchester United ( Mustaqbalkii Willian Waa Dhamaaday)

Antonio Conte Oo Ku Dhawaaqay War Farxad U Ah Jose Mourinho Iyo Manchester United ( Mustaqbalkii Willian Waa Dhamaaday)

Conte reveals the real reason Willian is out of Chelsea's starting XITababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa shaaca ka qaaday in Pedro sii ahaaan doono dooqiisa koowaasd eegaroonka taasoo meesha ka saaray mustaqbalka Willian.

Willian oo 28 jir ah, ayaa saftay kaliya hal kulan tan iyo bishii November ka dib markii uu kasoo laabtay geerida hooyadiis.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa waxaa la siiyey waqti fasaxa ah ka dib markii ay dhimatay hooyadiis, laakiin waxa uu kusoo laabtay kooxda laba Isbuuc kadib markaasoo bedel lagu keenay kulankii 2-1 kooxdiisa kaga badisay Tottenham.

Ciyaaryahanka la dhibtoonaya kursiga keydka ee Willian ayay warar kala duwwan ay sheegayaan inuu dhamaaday mustaqbalkisii kooxda Chelsea iyadoo si weyn loola xiriirinayo kooxda Manchester United.

Laakiin macalin Conte ayaa sheegay in uusan hadda qorshaha ugu jiein inuu wax ka bedelo shaxdiisa oo booska joogtada ah uu ka heysto Pedro.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/antonio-conte-oo-ku-dhawaaqay-war-farxad-u-ah-jose-mourinho-iyo-manchester-united-mustaqbalkii-willian-waa-dhamaaday/">Antonio Conte Oo Ku Dhawaaqay War Farxad U Ah Jose Mourinho Iyo Manchester United ( Mustaqbalkii Willian Waa Dhamaaday)</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *