Home » Horyaalada » La Liga Spain » Arsenal iyo Wenger Oo Suuqa Ka Helay Laacibkii Ay Kaga Bixi Lahaayeen Abaarta Horyaal La’aanta

Arsenal iyo Wenger Oo Suuqa Ka Helay Laacibkii Ay Kaga Bixi Lahaayeen Abaarta Horyaal La’aanta

Arsenal ayaa isha ku heysa goolhaya Atletico Madrid Jan Oblak laakiin waxay kala kulmayaan koxda Spain culeys xoogan maadaama ay dalbaneyso aduun lacageed gaaraya €100 milyan sida ay fahamsan tahay shabakada Goal.

Wiilkaan Slovenia ayaa ka mid ah goolhayayaasha hada aduunka loogu jecel yahay waxaana jira kooxo dhor ah oo xaaladiisa kor kala socda kuwaas oo daneynaya saxixiisa hadii ay fasaxeyso kooxda Spain.

Macalin Arsene Wenger ayaa taageere gaar ah u ah Oblak and oo qaab ciyaareed fiican ka sameynaya Atletico balse waxaa la og yahay in tababare Diego Simeone uusan dhageysan doonin dalab kasta oo loo soo gudbiyo goolhayaan laacibka ah.

Naadiga Gunners ayaa xiiseneysa goolhayaan mustaqbalka fiican ciyaaraha ku leh waxaana Oblak lagu qiimeeyaa lacag wadno qabad ku ah Arsenal taasoo gaareysa €100 milyan.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/arsenal-iyo-wenger-oo-suuqa-ka-helay-laacibkii-ay-kaga-bixi-lahaayeen-abaarta-horyaal-laaanta/">Arsenal iyo Wenger Oo Suuqa Ka Helay Laacibkii Ay Kaga Bixi Lahaayeen Abaarta Horyaal La’aanta</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *