Home » Horyaalada » Premier League » Arsenal Ma Keeni Doonaan Bedelka Cazorla Bisha January? Wenger Oo Jawaab Adag Bixiyay

Arsenal Ma Keeni Doonaan Bedelka Cazorla Bisha January? Wenger Oo Jawaab Adag Bixiyay

Arsenal won't sign Cazorla replacement - Wenger

Arsene Wenger ayaa ka hadlay sida xun ee dhibaatooyinka kooxdiisa ugu horeseedeen maqnaanshaha Santi Cazorla oo dhaawacan,laakiin waxa uu diiday in Arsenal lasoo wareegeyso bedelkiisa bisha January.

Xiddiga reer Spain ayaa saddex bilood oo kale ka maqnaan doona garoomada kadib qaliin uu u baahday dhaawaciisa canqowga ah, waxaana Wenger arintaan uu ka muujiyay walwal.

“Mala soo saxiixan doono bedelka Santi bisha January, Waxaan heysanaa ciyaartoy badan oo khadka dhexe ah ” Wenger ayaa ku sheegay sidaas shirkiisii jaraa’id

“Aniga ahaan, qaliinka ciyaaryahanka waa war ii xun, Waad og tahay taariikhda qaliinka iyo sameynta uu ku yeesho ciyaartooyda, laakiin marnaba ma sameyn doono saxiix cusub oo ah bedelka Santi Cazorla ayuu yiri Wenger.

Taageerayaasha Arsenal ayaa maanta ka dalbaday kooxdooda in ay lasoo saxiixdaan Fabrigas oo ay u arkaan bedelka macquulka ah ee Santi Cazorla.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/arsenal-ma-keeni-doonaan-bedelka-cazorla-bisha-january-wenger-oo-jawaab-adag-bixiyay/">Arsenal Ma Keeni Doonaan Bedelka Cazorla Bisha January? Wenger Oo Jawaab Adag Bixiyay</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *