Home » Falanqeyn » Barcelona Oo Cadaadis Saaran Yahay, Iniesta Iyo Casemiro Oo Diyaar Noqday, Indhaha Oo Kusii Jeeda Cr 7 vs Messi, Wax Walba Oo Aad Kaga Bahan Tahay Sheekooyinka Horudhaca Ah Ee El Clasico

Barcelona Oo Cadaadis Saaran Yahay, Iniesta Iyo Casemiro Oo Diyaar Noqday, Indhaha Oo Kusii Jeeda Cr 7 vs Messi, Wax Walba Oo Aad Kaga Bahan Tahay Sheekooyinka Horudhaca Ah Ee El Clasico

Why can't you watch El Clasico in the UK? The decades-old law behind TV blackout

Naadiga difaacanaya horyaalka Spain ee FC Barcelona ayaa hadda ah mid cadaadis weyn kala kulmeysa farqiga dhibcaha ee u dhaxeeya iyada iyo kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid ka hor ciyaarta La Liga ee El Clasico.

Ciyaarta ayaa shaki la’aan ah tan ugu weyn Dunida, waana kulamada 14-aad ee tartanka La Liga ee u dhaxeeya labadaan koox.

wakaalada wararka ee Xinhua ayaa shaaca ka qaaday dhibaatooyinka heysta kooxda Barcelona ka hor ciyaarta adag ee El Clasico.

Inkastoo marxalad hoose ay kujirto kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan, waxay garoonka Camp Nou, ku marti qadeysaa Madrid oo hogaaanka kaga heysa lix dhibcood ciyaarta habeen dambe.

http://images.performgroup.com/di/library/goal_es/53/55/Madrid ayaa leh 33 dhibcood 13 kulan oo ay ciyaareen, halka kooxda kaalinta labaad ee Barcelona ay heystaan 27 dhibcood oo kaliya.

Madrid xiddigaheeda Gareth Bale iyo Tony Kroos ayaa dhaawac ku seegaya kulankaan, laakiin qadka dhexe waxaa kusoo laabanaya Casemiro oo taam u ah kulankaan.

Barcelona ayaa kulankaan su’aal weyn la iska weydiinayaa bandhiga ay la imaan karto, kadib markii barbaro xiriir ah ay la gashay kooxaha Malaga iyo Real Sociedad iyo kooxda heerka seddexaad ee Hercules bartamihii isbuucaan kulan katirsanaa koobka boqorka.

http://images.performgroup.com/di/library/GOAL_INTERNATIONAL/a2/e9/

Daafaca Samuel Umtiti ayaa kasoo laabtay dhaawac iyadoo tababare Luis Enrique qadka dhexe diyaar uu u yahay kulanka El Clasico Andres Iniesta.

Dhanka kale, indhaha oo dhan ayaa kusii jeedi doona qaab ciyaareedka Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo ah labada ciyaaryahan ee adduunka ugu fiican waqtigaan.

Haddana Maxaa laga filan karaa kulanka weyn ee El Clasico, waa su’aasha qofkasta isweydiinayo waqtigaan??

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/barcelona-oo-cadaadis-saaran-yahay-iniesta-iyo-casemiro-oo-diyaar-noqday-indhaha-oo-kusii-jeeda-cr-7-vs-messi-wax-walba-oo-aad-kaga-bahan-tahay-sheekooyinka-horudhaca-ah-ee-el-clasico/">Barcelona Oo Cadaadis Saaran Yahay, Iniesta Iyo Casemiro Oo Diyaar Noqday, Indhaha Oo Kusii Jeeda Cr 7 vs Messi, Wax Walba Oo Aad Kaga Bahan Tahay Sheekooyinka Horudhaca Ah Ee El Clasico</a>

One Response to Barcelona Oo Cadaadis Saaran Yahay, Iniesta Iyo Casemiro Oo Diyaar Noqday, Indhaha Oo Kusii Jeeda Cr 7 vs Messi, Wax Walba Oo Aad Kaga Bahan Tahay Sheekooyinka Horudhaca Ah Ee El Clasico

  1. said Reply

    December 2, 2016 at 4:09 pm

    ciyaarta wxaa Hogaamin Doonta Real
    CR7

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *