Home » Horyaalada » Premier League » Boliiska Britain Oo Baaritaano Rasmi Ah Ku Bilaabay Kooxo Ka Dhisan England Oo Loo Heysto Ciyaartooy Loo Galmooday!!

Boliiska Britain Oo Baaritaano Rasmi Ah Ku Bilaabay Kooxo Ka Dhisan England Oo Loo Heysto Ciyaartooy Loo Galmooday!!

ciyaar kubada cagta

Boliiska Britain waxay sheegeen in ilaa 350 qof ay u soo baxeen si ay u sheegaan inay tacaddiyo galmo kala kulmeen naadiyada ciyaaraha kubbadda cagta.

Qaar badan oo ka mid ah waxay soo waceen xarun loogu talagalay inay la soo xiriiraan oo la sameeyay toddobaad kahor kaddib markii tiro ka mid ah ciyaartoydii hore ee kubbadda cagta ay si cad uga hadleen tacaddiyo loo geystay markii ay dhallinyarada ahaayeen.

Hay’adda samafalka carruurta ee maamulaysa xarunta cusub ee la sameeyay waxay sheegtay in tirada dadka soo baxaya ay aad u badan tahay.

15 xubnood oo ka tirsan boliiska UK ayaa haatan baaraya eedaha ay soo jeedinayaan ciyaartoyda hore ee kubbadda cagta, kuwaas oo ay sheegayaan in lagu tacaddiyay markii ay u ciyaari jireen kooxaha dhallinta yar.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/boliiska-britain-oo-baaritaano-rasmi-ah-ku-bilaabay-kooxo-ka-dhisan-england-oo-loo-heysto-ciyaartooy-loo-galmooday/">Boliiska Britain Oo Baaritaano Rasmi Ah Ku Bilaabay Kooxo Ka Dhisan England Oo Loo Heysto Ciyaartooy Loo Galmooday!!</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *