Home » Horyaalada » Premier League » Booliska Manchester Oo Ka Baaraya Kooxaha Man United Iyo Man City Ciyaartooy La Faraxumeeyay Markii Ay Yarayeen

Booliska Manchester Oo Ka Baaraya Kooxaha Man United Iyo Man City Ciyaartooy La Faraxumeeyay Markii Ay Yarayeen

police

Booliska Greater Manchester ayaa shaaciyay iney bilaabayaan baaris ku saabsan faraxumeyn loo geystay ciyaartooy dhalin yaro ah intii ay ku jiraan maalmihii ay soo karayeen.

Ilaa shan goobood oo England ah ayaa la baari doonaa kadib markii la shaaciyay iney ciyaartooy badan la kulmeen faraxumeyn.

Ciyaariyahankii hore ee kooxdda Crewe Alexandra, Andy Woodward ayaa noqday xidigii ugu horeeyay ee meel fagaaro ah ka sheega inuu faraxumeeyay macalinkisii hore Barry Bennell markii uu yaraa.

Waxaa sidoo kale la magacaabay labo xidig oo kale oo tababarahan uu faraxumeeyay yaraantoodii waxaana ka mid ah Steve Walters iyo David White.

Madaxa booliska ee magaaladda Manchester , Debbie Ford ayaa sheegay iney jiraan xiriiro badan oo ku saabsan ciyaartooy yaraantoodu la faraxumeeyay ,waxaana la baari doona kooxaha ka dhisan magaaladda Manchester.

Arintaan ayaa ka dhigan in la baari doono labada koox ee ugu waa weyn gobalka Manchester ee United iyo City laakiin looma baari doono sida in xog laga hayo ee waxaa jiri doona wadiiqooyin kale sida uu sheegay Debbie Ford.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/booliska-manchester-oo-ka-baaraya-kooxaha-man-united-iyo-man-city-ciyaartooy-la-faraxumeeyay-markii-ay-yarayeen/">Booliska Manchester Oo Ka Baaraya Kooxaha Man United Iyo Man City Ciyaartooy La Faraxumeeyay Markii Ay Yarayeen</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *