Home » Horyaalada » Chelsea Oo Dalab Qaali ah Gudbisay,Arsenal Oo Madax Xanuun Ka Qaadi Doonto Iyo Shaxda Macalin Conte Oo La Casriyeynayo

Chelsea Oo Dalab Qaali ah Gudbisay,Arsenal Oo Madax Xanuun Ka Qaadi Doonto Iyo Shaxda Macalin Conte Oo La Casriyeynayo

Naadiga Chelsea ayaa diyaar u ah inay soo xera geliso daafaca garabka bidix kaga ciyaara Napoli Faouzi Ghoulam oo bartilmaameed u ah kooxo waa weyn oo Yurub ka dhisan oo ka mid tahay naadiga cadoow wadaaga ay yihiin Chelsea ee Arsenal.

Kooxda Blues-ka ayaa miiska saartay lacag dhan £24 milyan oo ay dooneyso inay ku soo xera geliso xidigaan qaab ciyaareedka fiican ku heysta horyaalka Talyaaniga.

Majalada Daily Star ayaa sheegtay in Chelsea ay bisha Janaayo suuqa ka baadi goobi doonto dhorwr daafac oo ay dooneyso inay ku soo nooleyso shaxdeeda daafaca ku dhisan.

Macalin Conte oo xidigo dhowr ah dalbanaya ayaa dooqiisa koowaad ka dhigaya Faouzi Ghoulam oo ku wanaagsan Daafaca iyo weerarka garabka bidix.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/chelsea-oo-dalab-qaali-ah-gudbisayarsenal-oo-madax-xanuun-ka-qaadi-doonto-iyo-shaxda-macalin-conte-oo-la-casriyeynayo/">Chelsea Oo Dalab Qaali ah Gudbisay,Arsenal Oo Madax Xanuun Ka Qaadi Doonto Iyo Shaxda Macalin Conte Oo La Casriyeynayo</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *