Home » Horyaalada » Premier League » DEG DEG: Daafac Ka Tirsan Arsenal Oo Lix Isbuuc Garoomada Ka Maqnaanaya Iyo Wenger Oo Xaqiijiyay Soo Laabashada Ciyaaryahan Muhiim U Ah Kooxdiisa

DEG DEG: Daafac Ka Tirsan Arsenal Oo Lix Isbuuc Garoomada Ka Maqnaanaya Iyo Wenger Oo Xaqiijiyay Soo Laabashada Ciyaaryahan Muhiim U Ah Kooxdiisa

daafac

Daafaca Arsenal Mathieu Debuchy ayaa garoomada ka maqnaanaya muddo lix todobaad ah kadib dhaawacii ugu dambeeyay ee soo gaaray.

ciyaaryahanka reer France,ayaa kaliya ciyaaray 16 daqiiqo kulankii Bournemouth markaasoo loo bedelay xanuun kasoo gaaray muruqa.

Tababaraha Gunners Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay intii lagu jiray shirkiisii jaraa’id ee maanta oo jimco ah, in Danny Welbeck uu kusoo laabtay tababarka, laakiin laakiin uusan ciyaari doonin ugu yaraan ilaa afar isbuuc.”

Weeraryahanka England Danny Welbeck ayaa ku maqnaa dhaawac jilibka ah muddo dheer ah, iyadoo kooxdiisa hadda ay taam ahaanshihiisa wali ka fakireyso.

“Mathieu Debuchy ayaa uu xaqiijiyay macalinka reer France in isna uu maqnaan doono lix todobaad kadib dhaawac cusub oo kasoo gaaray muruqa.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/deg-deg-daafac-ka-tirsan-arsenal-oo-lix-isbuuc-garoomada-ka-maqnaanay-iyo-wenger-oo-xaqiijiyay-soo-laabashada-ciyaaryahan-muhiim-u-ah-kooxdiisa/">DEG DEG: Daafac Ka Tirsan Arsenal Oo Lix Isbuuc Garoomada Ka Maqnaanaya Iyo Wenger Oo Xaqiijiyay Soo Laabashada Ciyaaryahan Muhiim U Ah Kooxdiisa</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *