Home » Wararka Maanta » DEG- DEG: Diyaarad Ay Saarnaayeen Koox Caan Ka Ah Dunida Oo Burburtay- Yaa Dhintay?

DEG- DEG: Diyaarad Ay Saarnaayeen Koox Caan Ka Ah Dunida Oo Burburtay- Yaa Dhintay?

Diyaarad ay saarnaayeen 72 qof, oo ay kamid ahaayeen koox kubada cagta South American can ka ah ayaa ku burburtay magaalada Medellin ee dalka Colombia.

garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Medellin ayaa xaqiijiyay in diyaaradda la kulmeen xaalad deg deg ah oo halis ah intii ay ku duulayeen hawada magaalada.

duulimaadka kooxda reer Brazil ee Chapecoense ayaa ku wajahnaa Colombia si ay finalka tartanka Copa Sudamerica ula ciyaaraan kooxda Atletico Nacional Arbacada.

Waa musiibo weyn, “Gutierrez ayaa u sheegay Blu Radio, waxaa shilka uu ka dhacay goob buuraleey ah oo ka baxsan magaalada.

Duqa magaalada Medellin Federico Gutierrez ayaa sheegay in ay suurta gal tahay in ay jiraan dad badan oo u baahan wali badbaadin.

Lugta hore ee finalka Suda America ayaa la filayay inuu ka dhaco Arbacada magaalada Medellin, iyadoo lugta labaad 7-da December la qorsheyay in la ciyaaro.

Kooxda Atletico Nacional ayaa hore ugu dooday in ay lugta labaad ciyaaraan 3-da ama 4aad December, sababo la xiriirta koobka kooxaha adduunka oo ka furmaya dhawaan dalka Japan.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/deg-deg-diyaard-ay-saarnaayeen-koox-caan-ka-ah-dunida-oo-burburtay-yaa-dhintay/">DEG- DEG: Diyaarad Ay Saarnaayeen Koox Caan Ka Ah Dunida Oo Burburtay- Yaa Dhintay?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *