Home » Horyaalada » Premier League » DEG – DEG: Santi Cazorla Oo Saddex Bilood Garoomada Ka Maqnaan Doona- Maxaa Lagu Helay?

DEG – DEG: Santi Cazorla Oo Saddex Bilood Garoomada Ka Maqnaan Doona- Maxaa Lagu Helay?

 

LONDON, ENGLAND - OCTOBER 19: Santi Cazorla of Arsenal and Jonathan Cafu of PFC Ludogorets Razgrad in action during the UEFA Champions League match between Arsenal FC and PFC Ludogorets Razgrad at Emirates Stadium on October 19, 2016 in London, England. (Photo by Visionhaus#GP/Corbis via Getty Images) *** Local Caption *** Santi Cazorla; Jonathan Cafu

Ciyaaryahanka reer Spain ayaa ka maqnaa dhaawac  tan iyo bartamihii bishii October markaasoo laga saaray ciyaar kooxdiisa ay wajaheysay Ludogorets Champions League.

31-sano jirkaan ayaa seegay kulamadii kooxdiisa ay la ciyaartay kooxaha Manchester United, Paris Saint-Germain iyo Tottenham.

Arsene Wenger ayaa ku rajo weynaa in ciyaaryahankii hore ee Malaga soo laabto intii lagu jiray bishii November, laakiin waxa uu shaaca ka qaaday ka dib markii xalay kooxdiisa guuldarro 2-0 kala kulmeen Southampton inuu wax fikrad ah ka heysan dhaawaca Cazorla.

Sida laga soo xigtay IBTimes , Cazorla ayaa lagu sameyn doonaa qalliin taasoo la micno ah in muddo saddex bilood ah garoomada uu ka maqnaado.

Waxa uu seegi doonaa kulamada muhiimka u ah nkooxdiisa ee Manchester City iyo Everton, kuwaasoo dhacaya ka hor sanadka cusub.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/deg-deg-santi-cazorla-oo-saddex-bilood-garoomada-ka-maqnaan-doona-maxaa-lagu-helay/">DEG – DEG: Santi Cazorla Oo Saddex Bilood Garoomada Ka Maqnaan Doona- Maxaa Lagu Helay?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *