Home » Falanqeyn » Dhaawaca Coutinho Iyo Inuu Lasoo Saxiixan Doono Bedelkiisa, Qorshaha Suuqa January, Iyo Arimo Kale Ayuu Ka Hadlay Macalin Klopp

Dhaawaca Coutinho Iyo Inuu Lasoo Saxiixan Doono Bedelkiisa, Qorshaha Suuqa January, Iyo Arimo Kale Ayuu Ka Hadlay Macalin Klopp

Image result for philippe and Klopp

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Philippe Coutinho ayaa laga yaabaa inuu maqnaado muddo lix isbuuc ah, kadib markii ninka reer Brazil uu soo gaaray dhaawac canqowga ah intii lagu jiray kulankii Sabtidii Premier League kooxdiisu ka badiyeen Sunderland.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay in Coutinho 24-sano jir ah la filayo inuu garoomada ka maqnaado muddo shan ilaa lix isbuuc ah ka dib markii baaritaano lagu sameeyay gelinkii dambe ee shalay lagu xaqiijiyay inuu qabo dhaawac canqowga ah.

Philippe Coutinho  ayaa bareelo looga saaray garoonka qeybtii koowaad ee ciyaarta kadib markii ay isku dhaceen ciyaaryahanka kooxda Sunderland Didier Ndong.

Image result for philippe coutinho

Tababare Jurgen Klopp, ayaa wali kalsooni ku qaba in kooxdiisa Liverpool tayo ku filan leedahay xitaa haddii uu ka maqan yahay Coutinho.

“Phil Coutinho waa ciyaaryahanka kubadda cagta u fiican, laakiin haddii aynu isaga heli karin dhawrka maalmood ee soo socda ama toddobaadyada taasi cudur daar nooma ahana doonto” ayuu u sheegay suxufiyiinta macalin Klopp.

“Phil, ayaa si wanaagsan u ciyaaray xili ciyaareedkaan oo dhan, waxa uu muujiyay tayo gaa ah, xitaa haddii uusan mararka qaar wanaagsaneyn kooxda waxa uu u ahaa hormuud, laakiin run ahaantii waxaan rajeynayaa in maqnanshihiisa aysan waxba noo dhimin.

“Waxa uu kaga jiraa kooxda qayb aad u muhiim ah, dabcan waxa ugu fiican ee aan smaeyn karo waa in aann ciyaarno Phil la’aantiis,ayuu yiri macalin Liverpool.

Coutinho ayaa ku biiray ciyaaryahanka khadka dhexe ee Adam Lallana iyo weeraryahanka Daniel Sturridge kuwasoo wali jiifa qolka bukaanka ee Liverpool,laakiin Klopp ayaa shaaca ka qaaday inuusan qarin awooda ciyaartooydaan, laakiin taas aysan marmarsiimo u aheyn ciyaartooydiisa.

Image result for philippe and Klopp

“Phil ma ahan taam, Adam wuxuu ku dhawyahay inuu soo laabto, Daniel isna waa dhaawac wali, dhamaan ciyaartoyda tayada ee kooxda ayay kamid yihiin sadexduba, laakiin mar marmarsiiyo nooma ahaan doonto maqnaanshahooda,” ayuu saxaafada u sheegay Klopp ka hor ciyaarta quarter-final League Cup ee caawa kooxdiisu wajaheyso Leeds United.

“Waxaan doonayaa in aan tuso taageerayaasha suuragalnimada aan ku ciyaari karno xitaa haddii ay naga maqan yihiin dhamaan ciyaartooyda muhiimka ah ee kooxda koowaad.

Klopp ayaa sidoo kale ka hadlay marxalada suuqa kala iibisga ee kooxdiisa, waxaana uu hoosta ka xariiqay haddii xaalada dhaawac ee kooxda Merseyside sii socato ay xukmi doonto damacooda suuqa.

“Dhab ahaantii waxaan waxaan ka fakiri doonaa qorshaha suuqa, laakiin taas macnaheedu ma ahan in aan sameyn doonin saxiixyo tayo leh, ayuu yiri markii la weydiiyay hadii Liverpool qorshaha suuqa bisha Janaayo ay kujirto.

“Haddii aan dhaawacyo dhowr kale ah aragno, waxaan ku qasbanahay in aan yareyno fursadaheena dhaawaca ayuu yiri Klopp.

Ka dib kulanka League Cup ee Anfield ka dhacaya caawa, Liverpool ayaa todobaadka dambe ciyaar adag oo katirsan Premier League waxay usafri doonaan kooxda Bournemouth.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/dhaawac-coutinho-iyo-inuu-sameyn-ku-yeelan-doono-kooxdiisa-qorshaha-suuqa-january-iyo-arimo-kale-ayuu-ka-hadlay-macalin-klopp/">Dhaawaca Coutinho Iyo Inuu Lasoo Saxiixan Doono Bedelkiisa, Qorshaha Suuqa January, Iyo Arimo Kale Ayuu Ka Hadlay Macalin Klopp</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *