Home » Falanqeyn » Dhamaan Kulamada Champions League & Europa League Oo Loogu Gurman Doono Ciyaartooydii Geeriyootay Ee Kooxda Chapecoense

Dhamaan Kulamada Champions League & Europa League Oo Loogu Gurman Doono Ciyaartooydii Geeriyootay Ee Kooxda Chapecoense

daqiiqad ayaa loo aamusi doonaa isbuuca soo socda dhamaan kulamada Champions League iyo Europa League dadkii ku dhintay diyaaradii ku burburtay dalka Colombia.

71 qof oo ku geeriyooday burburkaan diyaaradeed ayaa waxaa kujiray kooxda kubada cagta ee Chapecoense ee ka dhisan dalka Brazil.

kooxda Chapecoense oo ay la socdeen saraakiil iyo saxafiyiin ayaa diyaarada ay kula burburtay magaalada Medellin xili ay isku diyaarinayeen kulanka kama dambeysta ee Copa Sudamericana oo ay la ciyaari lahaayeen kooxda Atletico Nacional.

Saraakiisha Duulista Rayidka ah eedalka Colombia ayaa tan iyo markaas wada baritaano dheeraad ah iyadoo la rumeysan yhay in shil kadis ah ay gashay diyaarada.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/dhamaan-kulamada-champions-league-europa-league-oo-loogu-gurman-doono-ciyaartooydii-geeriyootay-ee-kooxda-chapecoense/">Dhamaan Kulamada Champions League & Europa League Oo Loogu Gurman Doono Ciyaartooydii Geeriyootay Ee Kooxda Chapecoense</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *