Home » Falanqeyn » FALANQEYN:- Manchester United Vs West Ham United,Pogba iyo Fellaini Oo Sababtaan Ku Seegaya Ciyaarta,Ander Herrera Oo Kulankaan Ula Baxay Kulankii Nasiibka,Dhacdooyinka Iyo Xaqiiqooyinka Laga Qoray

FALANQEYN:- Manchester United Vs West Ham United,Pogba iyo Fellaini Oo Sababtaan Ku Seegaya Ciyaarta,Ander Herrera Oo Kulankaan Ula Baxay Kulankii Nasiibka,Dhacdooyinka Iyo Xaqiiqooyinka Laga Qoray

Laacibiinta khadka dhexe Paul Pogba iyo Marouane Fellaini ayaa labada seegi doona kulanka Manchester United ay la ciyaareyso EFL Cup heerkiisa quarter-final kooxda West Ham United maadaama ay qabaan ganaaxyo.

Labadaba waxay qaateen jaalahooda shanaad kulankii axada ay barbaraha 1-1 galeenPremier League.

Weeraryahanka West Ham Diafra Sakho, oo gool dhaliyay ciyartii Old Trafford ayaa ciyaartaan dhaawaqa muruqa ah ku seegi doona.

Laakiin Andy Carroll ayaa ku dhow inuu ka soo laabto dhaawaca Jilibka uu mudo garoomada kaga maqnaa halka daafaca Winston Reid uu kulankaan diyaar yahay ka gadaal ganaax uu soo dhameystay.

Laacibka khadka dhexe ee Manchester United Ander Herrera ayaa sheegay inay rabaan kulankaan guul maadaama ciyaartii isla todobaadkaan ay kooxdaan la yeesheen ay barbaro la galeen.

“Waa iska caadi waxaan la ciyaari doonaa Arbacada markaas ayaan rajeyneynaa inaan ka adkaano markaan ayaan nasiibkeena ku tijaabin doonaa EFL Cup.ayuu yiri xidigaan.

West Ham ayaa raadineysa inay mar kale gaarto heerka Semi Finalka markedii 10-aad caawa waana markoodii ugu horeysay inay heerkaan tiigsadaan tan iyo sanad ciyaareedkii 2013/14.

Manchester United iyo West Ham markoodii ugu dambeysay ay ku kulmaan koobkaan League Cup waxay aheyd xilli ciyaareedkii 2010/11, markaas oo Hammers ay ku adkaatay 4-0 heerka quarter-final. waana guushoodii ugu weyneyd ay ka gaaraan Man United tartankaan.

Naadiga Red Devils ayaa qasaartay kaliya hal jeer dhamaan 24-kii kulan ugu dambeysay ay gurigeeda ku ciyaarto koobkaan League Cup waxay wadataa(22-Guul iyo 1-jeer oo barbaro ah), guul daradii ugu dambeysay waxay aheyd 1-2 oo ay kaga adkaatay Chelsea bishii Janaayo 2005.

Jose Mourinho khasaaro lama kulmin koobkaan League Cup tan iyo bishii December 2013, wuxuu guuleystay 8-jeer halka uu barbaro galay 2-jeer tan iyo markaas.

West Ham ayaa guuleysatay labo ka mid ah 11-keeda kulan ay banaanka kula ciyaarto kooxaha Premier League tartankaanLeague Cup (9 jeer way guul dareysatay).

Ander Herrera iyo Marcus Rashford ayaa dhaliyay labo gool EFL Cup xili ciyaareedkaan waana labada ugu badan.

Mark Noble ayaa caawiyay goolal labo jeer tartankaan EFL Cup sanadkaan, halka uusan jirin ciyaaryahankaan sidaas oo kale sameeyay heerka quarter-final.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/falanqeyn-manchester-united-vs-west-ham-unitedpogba-iyo-fellaini-oo-sababtaan-ku-seegaya-ciyaartaander-herrera-oo-kulankaan-ula-baxay-kulankii-nasiibkadhacdooyinka-iyo-xaqiiqooyinka-laga-qoray/">FALANQEYN:- Manchester United Vs West Ham United,Pogba iyo Fellaini Oo Sababtaan Ku Seegaya Ciyaarta,Ander Herrera Oo Kulankaan Ula Baxay Kulankii Nasiibka,Dhacdooyinka Iyo Xaqiiqooyinka Laga Qoray</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *