Home » Horyaalada » Premier League » Goolhaye Jan Oblak Oo Miiska U Saaran Arsenal

Goolhaye Jan Oblak Oo Miiska U Saaran Arsenal

oblakKooxdda Arsenal ayaa lagu soo waramaya iney dooneyso iney qaadato goolhayaha kooxdda Atletico Madrid, Jan Oblak laakiin hubanti kulama kulmi karto Arsenal wax ka yar €100 million.

Xidiga heerka caalami ee xulka Slovenia ayaa soo jiitay dhamaan kooxaha waa weyn ee Yurub, kadib markii uu bandhig fiican ka sameeyay horyaalka Spain iyo koobka horyaaladda Yurub.

Tababare Arsene Wenger waa taageeraha Oblak waxaana uu doonaya inuu kasoo xoogo Atletico, waxaana uu aqbalaya inuu Diego Simeone iyo shirkadiisa siiyo waxa walba oo ay ku fasixi karaan xidigaan.

The Gunners waxa ay soo celineysa xiisaha goolhaye iyadoo og in bad baadiyahoodu Petr Čech ay da’adu hareysay,laakiin cabsida ugu badan waa in kooxdda reer Spain ay aaminsan tahay in goolhayahan heshiiskiisa lagu bur burin karo €100 million.

Oblak oo 23 jir ah waa goolhayaha qura ee kooxdda Atletico ee ciyaaray 13-ka kulan ee kooxdda Simeone ciyaartay horyaalka xili ciyaareedkan, waxaana uu bad baadiyay gool kulaadkisii ugu horeyay xili ciyaareedkan kulankii ay 3-0 uga badiyeen Osasuna.

Sidoo kale wararka France ka imanaya ayaa sheegaya in goolhayahan uu sidoo kale bartilmaameed u yahay kooxdda PSG.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/goolhaye-jan-oblak-oo-miiska-u-saaran-arsenal/">Goolhaye Jan Oblak Oo Miiska U Saaran Arsenal</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *