Home » Falanqeyn » Isku Aadka Semi-finalka EFL Cup Oo Ka Dhigan In Klopp Iyo Mourinho Isugu Imaan Karaan Finaalkoodii Ugu Horeeyay Kubadda Cagta

Isku Aadka Semi-finalka EFL Cup Oo Ka Dhigan In Klopp Iyo Mourinho Isugu Imaan Karaan Finaalkoodii Ugu Horeeyay Kubadda Cagta

Liverpool v Manchester United - Premier League : News Photo

Waxaa lasoo gabagabeeyay xalay wareega quarterfinal tartanka EFL Cup, iyadoo Southampton guul xanaaq badan ay kasoo gaartay kooxda Arsenal.

Manchester United oo kadib afar kulan oo isku xiga oo ay guul la’aan ku aheyd garoonkeeda garaacday West Ham United ayaa umuuqata mid sanadkaan iska xadairin karta Finalka tartankaan.

Red Devils ayaa lagu abaal mariyay wareega Afar dhamaadka kooxda yare ee Hull City in ay la ciyaaraan.

Dhanka kale, Southampton oo 2-0 ku garaacday Arsenal, ayaa afar dhamaadka ku dhacday kooxda Liverpool.

Manchester United iyo Southampton ayaa lugta hore ku ciyaari doona gurigooda, 10-ka iyo 11-ka bisha Janaayo iyadoo lugaha labaad la qorsheeyay 24 iyo 25aad isla bishaas.

finalka ayaa lagu ciyaari doonaa garoonka Wembley Stadium 26-ka February, iyadoo labada koox ee Manchester United iyo Liverpool ay qarka usaran yihiin inay isaga hor yimaadaan Finaal xiiso badan.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/isku-aadka-semi-finalka-efl-cup-oo-ka-dhigan-in-klopp-iyo-mourinho-isugu-imaan-karaan-finaalkoodii-ugu-horeeyay-kubadda-cagta/">Isku Aadka Semi-finalka EFL Cup Oo Ka Dhigan In Klopp Iyo Mourinho Isugu Imaan Karaan Finaalkoodii Ugu Horeeyay Kubadda Cagta</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *