Home » Horyaalada » Juan Mata Muxuu Ka Mudan Yahay Man United Xilli Ciyaareedkaan ?

Juan Mata Muxuu Ka Mudan Yahay Man United Xilli Ciyaareedkaan ?

Kooxda Manchester United ayaa la fureysa wada hadal laacibkeeda khadka dhexe weerarka kaga ciyaara Juan Mata, waxaanja la filayaa xidigaan in loo kordhyo mushaaraadka uu hada qaato.

Xidigaan Spain ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigaya United sanadkaan waxaana fure uu u yahay macalin Jose Mourinho isagoona saxiixay goolal lala tacajabay xili ciyaareedkaan.

Juan mata heshiiskiisa uu hada naadiga kula jiro uxuu dhacayaa sanadka 2018, waxaana la doonayaa in la gaarsiiyo waqti dheer maadaama laacibkaan xilli ciyaareedkaan ay si weyn u jecel yihiin taageerayaasha Red Devils.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/juan-mata-muxuu-ka-mudan-yahay-man-united-xilli-ciyaareedkaan/">Juan Mata Muxuu Ka Mudan Yahay Man United Xilli Ciyaareedkaan ?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *