Home » Horyaalada » Premier League » Jurgen Klopp Oo Ka Warbixiyay Marxalada Suuqa Kala IIbsiga Kooxdiisa Liverpool

Jurgen Klopp Oo Ka Warbixiyay Marxalada Suuqa Kala IIbsiga Kooxdiisa Liverpool

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisa ay ka feejignaan doonto suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha Janaayo ee soo socota, laakiin dhaawac Philippe Coutinho ayaa ku qasbi doono in kooxda Liverpool ay suuqa ciyaartoy kasoo qaadato.

Coutinho ayaana la xaqiijiyay inuu garoomada ka maqnaan doono ilaa mudo lix toddobaad ah.

Xiddiga reer Brazil ayaana qaadan doona dhaawaciisa  lix isbuuc kadib markii uu dhaawac canqowga ah ka soo gaaray kulankii sabtida ay 2-0 kaga badiyeen Sunderland.

Liverpool ayaa isha ku heysa in ciyaartooy dhowr ah suuqa kasoo qataan, laakiin Klopp ayaa doonaya in si dhab ah uu kaga fiirsado ciyaartooyda uu u baahan yahay.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/jurgen-klopp-oo-ka-warbixiyay-marxalada-suuqa-kala-iibsiga-kooxdiisa-liverpool/">Jurgen Klopp Oo Ka Warbixiyay Marxalada Suuqa Kala IIbsiga Kooxdiisa Liverpool</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *