Home » Horyaalada » Juventus iyo Inter Oo Lagu Arkay Garoonka Old Trafford, Maxay rabaan ?

Juventus iyo Inter Oo Lagu Arkay Garoonka Old Trafford, Maxay rabaan ?

Juventus iyo Inter ayaa lagu arkay xiiso ay u qabaan saxiixa daafaca Old Traford ka xamaasha ee Matteo Darmian oo ka tirsan Manchester United, waxaana warkaan soo helay Calciomercato.

Horyaaliinta Serie A ay talaabo hore u qaadi doono si ay ula helaan daafac garab midig oo ay ku bedelaan Dani Alves oo lugta ka jabay mudo dheerna garoomada ka maqnaan doona iyadoo sidoo kale mudo dheer uu dhaawac ku maqan yahay daafaca Leonardo Bonucci.

Si kastaba ha ahaatee laacibkii hore ee Torino ayaa si weyn looga xiiseynayaa horyaalka Talyaaniga.
Darmian ayaa saameyn culus ku lahaa United xilli ciyaareedkii la soo dhaafay markaas oo naadiga uu maamulay macalin Louis van Gaal, oo Talyaaniga ka soo iibsaday halka xilli ciyaareed uusan boos joogta ah ka heysan macalin Jose Mourinho.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/juventus-iyo-inter-oo-lagu-arkay-garoonka-old-trafford-maxay-rabaan/">Juventus iyo Inter Oo Lagu Arkay Garoonka Old Trafford, Maxay rabaan ?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *