Home » Wararka Maanta » Kooxdii Musuubadda Ku Habsatay Ee Reer Brazil Oo Ciyaartooy Cusub Loo Uruurinayo- Miyay Kooxdaada Kujirta Tabarucaada

Kooxdii Musuubadda Ku Habsatay Ee Reer Brazil Oo Ciyaartooy Cusub Loo Uruurinayo- Miyay Kooxdaada Kujirta Tabarucaada

Tobannaan kun oo qof ayaa waxay isugu tageen magaalada Chapeco ee koofurta Brazil.

Waxay dadkaasi tagayaan karoonka kooxda diyaaradda la burburtay.

Chapecoense ayaa inta badan ciyaartoydeeda ay ku dhinteen burburka diyaaradda oo ku dhacday dalka Comlombia.

Xiriirada kubadda cagta caalamka iyo ciyaaryahanada ayaa ka tacsiyeynaya kooxdaasi musiibada ku dhacday.

Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, iyo ciyaaryahanada caanka ah intooda badan sida, Pele, waxa ay sheegeen in ciyaarayaha kubadda cagta ay tacsi weyn u taallo.

Lionel Messi iyo Neymar waxay dhankooda ka tacsiyeeyeen dhacdadaasi.

Haddaba kooxaha ka dhisan dalka Brazil ayaa ciyaartooy isugu dari doona kooxda masiibadu ku dhacday,sida warbaahinta gudaha ku warantay.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/kooxdii-musuubadda-ku-habsatay-ee-reer-brazil-oo-ciyaartooy-cusub-loo-uruurinayo-miyay-kooxdaada-kujirta-tabarucaada/">Kooxdii Musuubadda Ku Habsatay Ee Reer Brazil Oo Ciyaartooy Cusub Loo Uruurinayo- Miyay Kooxdaada Kujirta Tabarucaada</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *