Home » Horyaalada » Premier League » LA OGAA: Halkee Ayay Aheyd Goobtii Qarsoodida Aheyd Ee Tababare Jose Mourinho Ka Daawaday Ciyaartii Xalay

LA OGAA: Halkee Ayay Aheyd Goobtii Qarsoodida Aheyd Ee Tababare Jose Mourinho Ka Daawaday Ciyaartii Xalay

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaan sheegaynin meeshii uu ku daawaday ciyaartii ay kooxdiisu 4-1 ka badisay West Ham.

Ciyartaas oo dhacday hebeenimadii Arbacada ayaa ka tirsanayd koobka EFL Cup oo dad badani u yaqaanaan League Cup.

Mourinho oo 53 jir ah ayaa Axaddii hore lagu ganaaxay in uusan hal ciyaar imanin meesha tababareyaashu ka hagaan ciyaaryahnnada dheelaya, markaas oo ay kulan horyaalka Ingiriiska ka tirsan la lahaayeen naadiga lagu naanayso Hammers.

Tababarahan reer Boortaqiis ayaa sheegay in uu meel qarsoodi ah ku daawanayay ciyaarta isla markaasna uu xiriir la samaynayay kalkaaliyeyaashiisa iyo ciyaaryahannada kale ee badalka sugayay.

Waxaa la arkayay Mourinho oo sii galaya garoonka Old Trafford ee Manchester United iyo isaga oo meelsha garoonka laga galo ku sugayay tababaraha West Ham si uu u salaamo wax yar uun ka hor intii aysan iyaartu bilaabanin.

Balse intaas wixii ka dambeeyay laguma arkin qaybta ciyaarta laga daawado lagumana arkin isaga oo banaanka kore uga sii baxaya garoonka.

Mourinho ayaa loo ogolaa in uu garoonka soo galo oo uu ciyaarta ka daawado meel kore.

Wuxuuse sheegay in ay talaadadii dadaal badan sameeyeen qofkastana uu diyaarsanaa

Wuxuuna intaas ku daray in uu aad ugu kalsoon yahay kalkaaliyeyaashiisa ayna gaarsiinayeen xogta uu u baahnaa in uu kooxda la wadaago.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/la-ogaa-halkee-ayay-aheyd-goobtii-qarsoodida-aheyd-ee-tababare-jose-mourinho-ka-daawaday-ciyaartii-xalay/">LA OGAA: Halkee Ayay Aheyd Goobtii Qarsoodida Aheyd Ee Tababare Jose Mourinho Ka Daawaday Ciyaartii Xalay</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *