Home » Horyaalada » Premier League » LIVE XANTA SUUQA: Wararkii Ugu Dambeeyay Wargeysyada Ingiriiska Ay Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Bisha January

LIVE XANTA SUUQA: Wararkii Ugu Dambeeyay Wargeysyada Ingiriiska Ay Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Bisha January

Kulan wanacan oo wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakadda Laacibiin.com meelkasta oo aad joogtaan kusoo dhawaada sheekooyinkii ugu sareeyay suuqa kala iibsiga ciyartooyda maanta oo talaado ah.

Wararkii Ugu Sareeyay Maanta THE SUN:- Lionel Messi ayaa diidan inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda Barcelona, taasoo keentay in kooxda Faransiiska ee PSG lala xiriiriyo, Agaasimaha kubada cagta PSG ayaa la xiriiray xiddiga Argentina aabihiis Jorge.

Inter Milan ayaa diyaar u ah in ay ka yaabsadaan dunida iyagoo dalab £ 50m ka gudbinaya bisha January ciyaaryahanka Chelsea ee Diego Costa.

West Ham ayaa wadahadalo kula jirta Simone Zaza iyadoo suurta gal ay tahay in la burburiyo qandaraaskiisa kooxda.

Crystal Palace ayaa lacag rikoor ah kula soo wareegeysa bisha Janaayo ciyaaryahanka khadka dhexe ee heerka caalami ee dalka Senegal Papa Alioune Ndiaye.

Roma ayaa dooneysa ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Manchester United ee Memphis Depay kaasoo suurta gal ay tahay inuu dhaqaaqo bisha January.

Kooxda dhibtooneysa ee Hull City ayaa diyaar u ah sin ay soo noleeyaan fursada ay kula wareegi karaan ciyaaryahanka garabka ugu ciyara Portugal ee Renato Santos.

Madaxweynaha Bayern Munich Uli Hoeness ayaa sheegay in Bastian Schweinsteiger dhiigiisu ku qalalay kooxda Manchester United.

Sheekooyinka Lagu Qoray Maanta DAILY MAIL:- Harry Redknapp ayaa u sheegay Tottenham in ay lasoo wareegto Luis Suarez iyo Eden Hazard markii uu joogay kooxdan, waxaana uu aaminsan yahay in ay wax badan ka bedeli lahaayeen hamiga Horyaalka ee kooxda.

Liverpool ayaa diyaar u ah in ay xoojiyaan damaca ay ka leeyihiin ciyaaryahanka Borussia Dortmund Christian Pulisic kadib markii uu dhaawac soo gaaray Philippe Coutinho, kaasoo la filayo inuu lix isbuuc maqnaado.

Ciwwaanada Ugu xiisaha Badan Manta Indenpent:- Alan Pardew ayaa loo sheegay in laba kulan uu ku badbaadsado shaqadiisa tababare, Ka dib markii lix oo isku xigta Premier League wax guul ah aysan gaarin kooxdiisa.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/live-xanta-suuqa-wararkii-ugu-dambeeyay-wargeysyada-ingiriiska-ay-ka-qoreen-suuqa-kala-iibsiga-bisha-january/">LIVE XANTA SUUQA: Wararkii Ugu Dambeeyay Wargeysyada Ingiriiska Ay Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Bisha January</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *