Home » Horyaalada » Premier League » Qorshaha Suuqa Manchester United Ee Bisha January- Jose Mourinho Oo Saddex Daaafac Hal Mar Wada Keenaya- Waa Kuwee?

Qorshaha Suuqa Manchester United Ee Bisha January- Jose Mourinho Oo Saddex Daaafac Hal Mar Wada Keenaya- Waa Kuwee?

http://i4.mirror.co.uk/incoming/article9309811.ece/ALTERNATES/s615/

Manchester United ayaa diyaar u ah in ay lacag weyn markale u gacan geliso Jose Mourinho si uu ciyaartooy kula soo wareego bisha January.

United ayaa keliya todobo kulan shabaqa ilaashatay xilli ciyaareedkan oo dhan, Chris Smalling iyo Eric Bailly ayaana dhaawac kaga maqan kooxda Mourinho oo hadda suuqa ka dooneysa daafacyo cusub.

Gudoomiye ku xigeenka fulinta kooxda Manchester United Ed Woodward waa ayaaa diyaariyay qorshe lacageeda kooxda suuqa ku geli doonto bisha January si loo keeno ciyaartooyda uu xiiseynayo macalin Jose Mourinho.

Tababaraha reer Portugal ayaa usoo dhaqaajiyay Old Trafford, kaliya hal daafac oo ah Bailly kaasoo kaga yimid kooxda Villarreal lacag € 35million ah.

Ciyaartooyda uu soo qadan karo bisha January macalin Jose Mourinho ayaa kala ah Dragovic ,Van Dijk iyo daafaca Munich Alaba.

Dhamaan ciyartooydaan ayaa ah kuwo awood u leh in ay ka ciyaaraan qeybta dambe ee daafaca taasoo wax badan ka saacideysa macalin Mourinho.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/qorshaha-suuqa-manchester-united-ee-bisha-january-jose-mourinho-oo-saddexd-daaafac-hal-mar-wada-keenaya-waa-kuwee/">Qorshaha Suuqa Manchester United Ee Bisha January- Jose Mourinho Oo Saddex Daaafac Hal Mar Wada Keenaya- Waa Kuwee?</a>