Home » Horyaalada » SHEEKO CUSUB:- Real Madrid Oo Dib U Soo Ceshaneysa Laacibiin Ay Khalad Ku Iibisay, Ozil—–Di maria

SHEEKO CUSUB:- Real Madrid Oo Dib U Soo Ceshaneysa Laacibiin Ay Khalad Ku Iibisay, Ozil—–Di maria

Kooxda Real Madrid ayaa hore iskaaga fasaxday laacibiin dhowr oo qaarkood la sheegay inay ku qaldaneyd iibintooda sida Di Maria,Ozil iyo Alonso, hada waxay kooxda damacsan tahay inay dib isku saxdo iyadoo dooneysa inay soo qaadato Angel di Maria iyo Mesut Ozil oo labada qaab ciyaareed wanaagsan ku heysta kooxahooda.

Jariirada Marca ayaa sheegeysa in Real Madrid ay hada bartil maameed ka dhiganeyso laacibiintii naadiga iskaaga tagay ka dib markii boos joogto ah ay ka waayeen Madrid.

Di Maria ayaa sanad ciyaareed fool xun ku qaatay Man United oo lacag aad u badan ku iibsatay, balse wuxuu qaatay go’aan geesinimo leh isagoona xilli ciyaareedkii xigay ku biiray PSG, oo hada uu fure u yahay halka Ozil uu yahay hogaamiyaha Arsenal isagoona xilli ciyaareedkaan la soo baxay qaab ciyaareed aad u wanaagsan.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/sheeko-cusub-real-madrid-oo-dib-u-soo-ceshaneysa-laacibiin-ay-khalad-ku-iibisay-ozil-di-maria/">SHEEKO CUSUB:- Real Madrid Oo Dib U Soo Ceshaneysa Laacibiin Ay Khalad Ku Iibisay, Ozil—–Di maria</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *