Home » Horyaalada » Sheeko Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Andres Iniesta Iyo El Clasico, Farxad Ama Naxdin

Sheeko Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Andres Iniesta Iyo El Clasico, Farxad Ama Naxdin

kabtanka kooxda Barcelona Andres Iniesta ayaa diyaar u ah inuu hogaaminayo Barcelona kulanka xiisaha oo badan Real Madrid ay la ciyaari doonaan El Clasico-dii ugu horeysay sida uu sheegay Macalin Luis Enrique.

Sabtida soo socota ayaa lagu balansan yahay garoonka Camp Nou, markaas oo Real Madrid ay booqasho ku imaan doonta ciyaarta sida weyn loo jecel yahay.

Kabiirkaan 32-sano jirka ah ayaa aqbaar wanaagsan u ah taageerayaasha barca oo si weyn ugu jeclaa inay ciyaartaan ku dhex arkaan maadaama uu yahay xidigaha khadka dhexe ee ugu wanaagsan caalamka.

Dhaawac ka soo gaaray Jilibka ayuu maalmahaan garoomada kaga maqnaa wuxuuna seegay dhamaan lexdii kulan ugu dambeysay oo ay Barca ciyaartay isagoona tababarka naadiga ku soo laabtay Jimcihii la soo dhaafay.

Tababare Enrique ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay : “Andres Wuxuu sugayaa in dhaqaatiirta siiyaan aqbaartii ugu dambeysay wuu diyaarsan yahay oo caafimaadkiisa waa wanaagsan yahay tababarka ayuu maanta nala qaatay wuxuuna sugayaa inaan u soo doorano kulankaan .”

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/sheeko-xiiso-badan-oo-ku-saabsan-andres-iniesta-iyo-el-clasico-farxad-ama-naxdin/">Sheeko Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Andres Iniesta Iyo El Clasico, Farxad Ama Naxdin</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *