Home » Horyaalada » Premier League » Suuqa Kala Iibsiga: Waa Kuma Xiddiga Ka Tirsan Manchester City Ee January Ku Biiraya Arsenal- Ogow Ma Ahan Toure

Suuqa Kala Iibsiga: Waa Kuma Xiddiga Ka Tirsan Manchester City Ee January Ku Biiraya Arsenal- Ogow Ma Ahan Toure

Oleksandr ZinchenkoTababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa doonaya inuu la soo wareego ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Oleksandr Zinchenko.

Wakiilka ciyaaryahanka da’da yar Sándor Varga ayaa shaaca ka qaaday in tababaraha Gunners isha uu ku heyo ciyaaryahanka tan iyo markii uu joogay kooxda Ukraine ee Shakhtar Donetsk.

Macalinka reer France ayaa dadaal ugu jira saxiixa xiddiga qadka dhexe ee Ukraine, Sida laga soo xigtay Varga oo ah wakiilka ciyaaryahanka.

Wenger ayaa weyddiiyey dhowr jeer wakiilkaan wax ku saabsan ciyaaryahanka da’da yar, laakiin majirin wadahadal dheeraad ah oo aan qaadanay ayuu yiri.

Wenger ayaa ku darsaday wiilkaan dhalinta yar qorshihiisa suuqa kala iibsiga bisha January.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/suuqa-kala-iibsiga-waa-kuma-xiddiga-ka-tirsan-manchester-city-ee-january-ku-biiraya-arsenal-ogow-ma-ahan-toure/">Suuqa Kala Iibsiga: Waa Kuma Xiddiga Ka Tirsan Manchester City Ee January Ku Biiraya Arsenal- Ogow Ma Ahan Toure</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *