Home » Horyaalada » La Liga Spain » UPDATE: Gareth Bale Oo Dib Kaga Dhacaya Waqtigii La Filayay Inuu Kusoo Laabto Garoomada Iyo Zidane Oo Ka Welwelsan Xaaladaan Cusub

UPDATE: Gareth Bale Oo Dib Kaga Dhacaya Waqtigii La Filayay Inuu Kusoo Laabto Garoomada Iyo Zidane Oo Ka Welwelsan Xaaladaan Cusub

Xiddiga Real Madrid Gareth Bale ayaa maqnaan kara muddo afar bilood ka dib markii uu u bhaaday in qaliin looga sameeyo canqowga, sida ay sheegayaan wararka ay qorayaan saxaafadda Spain.

markii hore waxaa la filaayey in Bale maqnaado muddo laba ilaa saddex bilood ka dib dhaawac dhibaato ay ka gaartay seedaha loo yaqaano peroneal intii lagu jiray kulankii Real ay 2-1 kaga badiyeen Champions League kooxda Sporting Lisbon Isbuucii lasoo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, qaliin oo ka dhici doona London talaadada ayaa warar, lagu qoray AS waxaa lagu sheegay in ciyaaryahanka Wales uusan soo laaban doonin ilaa bisha April 2017.

arintaan ayaa dharbaaxo weyn ku ah kooxda Madrid oo filaneysay waqti hore in ay helaan ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee  Gareth Bale.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/update-gareth-bale-oo-dib-kaga-dhacaya-waqtigii-la-filayay-inuu-kusoo-laabto-garoomada-iyo-zidane-oo-ka-welwelsan-xaaladaan-cusub/">UPDATE: Gareth Bale Oo Dib Kaga Dhacaya Waqtigii La Filayay Inuu Kusoo Laabto Garoomada Iyo Zidane Oo Ka Welwelsan Xaaladaan Cusub</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *