Home » Horyaalada » Premier League » UPDATE: Jose Mourinho Oo Si Lama Filaan Ah Bil Kadib Old Trafford Ku Keenaya John Obi Mikel Oo Katirsan Chelsea

UPDATE: Jose Mourinho Oo Si Lama Filaan Ah Bil Kadib Old Trafford Ku Keenaya John Obi Mikel Oo Katirsan Chelsea

Jose Mourinho is ready to move for Mikel John Obi in the January transfer window

Jose Mourinho ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqaya ciyaaryahanka Chelsea ka tirsan ee John Obi Mikel kasoo uu u arko mid xalin kara dhibaatada kooxdiisa Manchester United.

Mikel, oo 29 jir ah, ayaa ka soo hoos ciyaaray macalin Jose Mourinho waayihiisii Stamford Bridge, laakiin hadda kuma jiro qqorshaha Antonio Conte uu ku hogaaminayo kooxda Bules.

Manchester United ayaa u dhaqaaqi doonta marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha January ciyaaryahanka kubad joojiya kasoo xiriir fiican la leh macalin Mourinho.

Mikel ayaa waxaa laga dulqaaday kooxda Old Trafford markii uu imaanayay England kadib markii heshiis afar sanno ah ay kala gaareen kooxdiisii reer Norway ee Lyn Oslo, laakiin heshiiska Chelsea ayaa silama filaan ah ugu soo dhacday

Waqtigaas waxay kusoo qaadan rabeen £ 4million iyadoo xitaa lagu sawiray maaliyada Manchester United ,inkastoo wakiiladiisa heshiis kale oo weyn ay ka heleen kooxda Chelsea.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/update-jose-mourinho-oo-si-lama-filaan-ah-bil-kadib-old-trafford-ku-keenaya-john-obi-mikel-oo-katirsan-chelsea/">UPDATE: Jose Mourinho Oo Si Lama Filaan Ah Bil Kadib Old Trafford Ku Keenaya John Obi Mikel Oo Katirsan Chelsea</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *