Home » Falanqeyn » Waa Kuma Barilmaameedka Arsene Wenger Ee Oleksandr Zinchenko, Wax Walba Oo Aad Kaga Baahan Tahay Mucjisada Qarnigaan Ee Kooxda Man City

Waa Kuma Barilmaameedka Arsene Wenger Ee Oleksandr Zinchenko, Wax Walba Oo Aad Kaga Baahan Tahay Mucjisada Qarnigaan Ee Kooxda Man City

Image result for Oleksandr Zinchenko Arsenal Logo

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa doonaya inuu la soo wareego ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Oleksandr Zinchenko.

Wakiilka ciyaaryahanka da’da yar Sándor Varga ayaa shaaca ka qaaday in tababaraha Gunners isha uu ku heyo ciyaaryahanka tan iyo markii uu joogay kooxda Ukraine ee Shakhtar Donetsk.

Macalinka reer France ayaa dadaal ugu jira saxiixa xiddiga qadka dhexe ee Ukraine, Sida laga soo xigtay Varga oo ah wakiilka ciyaaryahanka.

Wenger ayaa weyddiiyey dhowr jeer wakiilkaan wax ku saabsan ciyaaryahanka da’da yar, laakiin majirin wadahadal dheeraad ah oo aan qaadanay ayuu yiri.

Zinchenko oo mustaqbalkiisa ciyaareed ka bilaabay kooxda dalkiisa ee Youth Sportive School Karpatiya, ayaa wuxuu u dhaqaaqay kooxda FC Monolit Illichivsk isagoo kaga gudbay Shakhtar Donetsk, halkaas oo uu ku qaatay shan sano.

Image result for Oleksandr Zinchenko

Wenger ayaa si aad ah u jecel ciyaaryahanka khadka dhexe ee 19-sano jirka ah kaasoo u saxiixay Manchester City bishii July 2016 ka dib markii uu qaab ciyaareedkaan ka sameeyay kooxdiisa.

Zinchenko oo haatan amaah ku jooga kooxda Dutch ee PSV Eindhoven ayaa laga yaaba inuu kujiro ciyaartooyda Manchester City ay ka fakireyso inay iska iibiso Bisha January.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee 19-sano jirka ah ee reer Ukraine ayaa kulankiisii ugu horeyay ee caalamiga ah saftay intii lagu jiray isreebreebkii UEFA Euro 2016 markaasoo uu wajahay xulka Spain bishii October 2015.

Wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa eek ala qeyb gala xulka Ukraine tartankii Euro 2016 isagoo lagu bedelay Victor Kovalenko labadii kulan ee ugu horeysay Ukraine tartankaas ay ku wajaheen xulalka Germany iyo Northern Ireland.

Image result for Oleksandr Zinchenko

Iyadoo Ukraine laga soo reebay Euro, Zinchenko ayaa soo jiitay indhaha saxaafada kadib markii uu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee Ukraine gool kaga dhaliya kulan caalami ah, waxaana rikoorkaas uu ka jabiyay Andriy Shevchenko.

Ciyaaryahanka boosaska badan ayaa ka ciyaari kara boosaska daafaca dhexe, iyo weerarka waxaa kaloo loo isticmaali karaa daafaca bidix.

Zinchenko waa ciyaaryahan khad dhexe oo dhameystiran, isagoo awood u leh inuu kubada ku darbeeyo labada lug.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/waa-kuma-barilmaameedka-arsene-wenger-ee-oleksandr-zinchenko-wax-walba-oo-aad-kaga-baahan-tahay-mucjisada-qarnigaan-ee-kooxda-man-city/">Waa Kuma Barilmaameedka Arsene Wenger Ee Oleksandr Zinchenko, Wax Walba Oo Aad Kaga Baahan Tahay Mucjisada Qarnigaan Ee Kooxda Man City</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *