Home » Horyaalada » La Liga Spain » WAR NAXDIN LEH: Lionel Messi Oo Toddobaad Ka Hor Ka Badbaaday Dhimasho- Maxaa Helay?

WAR NAXDIN LEH: Lionel Messi Oo Toddobaad Ka Hor Ka Badbaaday Dhimasho- Maxaa Helay?

Image result for plane disaster Colombia plane crash: Lionel Messi and Argentina football team on same aircraft weeks before

Lionel Messi ayaa dhawaan waxa uu ku safray diyaaradii shalay ku burburtay magaalada Medellin taasoo ay saarnaayeen rakaab ay ka mid ahaayeen kooxda kubada cagta ee Chapecoense, sida laga soo xigtay warbaahinta Catalonia.

Duulimaadka ciyartooyda kooxda koowaad ee Chapecoense ayaa ku wajahnaa dalka Colombia oo ay finalka Copa Sudamerica 2016 kusoo ciyaari lahaayeen.

Si kastaba ha ahaatee, garoonka diyaaradaha iyo kooxaha samatabbixinta maxaliga ah ayaa weli kusugan goobta shilka ay ku gashay ddiyaaraha si baaritaano dheeri ah loo sameeyo.

Wargeyska kasoo baxa gobolka Catalonia ee Sport ayaa sheegay in Messi iyo xulka qaranka Argentina ay saarnaaayeen diyaaradaan loo yaqaano Lamia BAE-146 markii ay usafrayeen dalka Brazil oo ay kusoo ciyaareen isreebreebka koobka adduunka.

Xiddiga Barcelona ayaa xitaa sawir kula galay diyaaradaas xubnaha shaqaalaha waxaana ku wehlinayay saxiibkiisa Barcelona Javier Mascherano.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/war-naxdin-leh-lionel-messi-oo-toddobaad-ka-hor-ka-badbaaday-dhimasho-maxaa-helay/">WAR NAXDIN LEH: Lionel Messi Oo Toddobaad Ka Hor Ka Badbaaday Dhimasho- Maxaa Helay?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *