Home » Horyaalada » Premier League » WARBIXIN: Waa Kuma Bartilmaameedka Bisha January Ee Kooxda Manchester United Victor Lindelof ? Xirfad, Farsamo Iyo Tayo

WARBIXIN: Waa Kuma Bartilmaameedka Bisha January Ee Kooxda Manchester United Victor Lindelof ? Xirfad, Farsamo Iyo Tayo

Manchester United ayaa dalab rasmi ah ka gudbisay daafaca kooxda Benfica Victor Lindelof, iyadoo Jose Mourinho uu diyaar u yahay inuu lasoo wareego suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, sida laga soo xigtay ilo Sky katirsan.

Sky Sports ayaa fahamsan in Lindelof lacag ka badan £ 25m ay kulasoo wareegi doonaan kooxda United, laakiin daafaca Swedishka, miyaa samatabixin karaa qeybta labaad ee xili ciyaareedka kooxda Manchester Unired?

Lindelof celebrates after scoring for Sweden against Bulgaria last month

Tariikh Kooban

Magaciisa waa Victor Lindelof, waa 22 jir u ciyaara kooxda Benfica, waxaa uu ka ciyaara daafaca dhaxe, dhalashadiisa waa Swedish.

Xirfadiisa halka ay ka bilaabatay

Iyadoo uu mustaqbalkiisa ciyaareed ka bilaabay Västerås SK oo ka dhisan heerarka hoose ee kubada cagta Swedish, Lindelof ayaa u saxiixay kooxda Benfica isagoo 17-sano jir ah bishii December 2011.

Waxaa ku dhowaad laba sano uu ku qaaday kaydka, ka hor inta uusan ugu danbeyn boos ka helin kooxda koowaad bishii October 2013.

Si kastaba ha ahaatee, bandhig wanaagsan ooo uu sameeyay xilli ciyaareedkii hore, ayaa keentay in dalabyo waaweyn loosoo diro kooxda Benfica oo ku guuleysatay Horyaalka Portugal.

Iyadoo aan la sadaalin karin in kooxdiisa ay iibineyso bisha January, Lindelof waxaa uu u muuqdaa mid ka tagi kara kooxdiisa kadib markii laagu keenay bedel qeybtii labaaad ee kulankii kooxdiisa wajahday Moreirense,

wuxuu kamid ahaa xulkii Sweden ee Euro 2016 ka qeyb galaya kadib markii uu xulka 21-jirada kala qeyb galay tartanka European Championship, markaasoo uu kusoo bilaawday dhamaan seddexdii kulan ee wareega group-yada. Waxa uu tan iyo markaas u saftay 11 kulan xulkiisa, isagoo dhaliyay goolkiisii ugu horeyay xulka markii ay Bulgaria 3-0 kaga badiyeen bishii lasoo dhaafay.

Lindelof with former Sweden team-mate Zlatan Ibrahimovic

Style uu ku Ciyaaro

daafaca dhexe oo ah 6ft 2in, ayaa leh awoodda farsamo ee uu kaga ciyaari karo daafaca midig , iyadoo dhowr jeer loo isticmaalay kulamada heerka caalami.

Waxa uu sidoo kale leeyahay awooda uu ku aqristo farsamada cciyaartooda kasoo duusha garbaha si lamid ah daafacii hore ee Manchester United Rio Ferdinand.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/warbixin-waa-kuma-bartilmaameedka-bisha-january-ee-kooxda-manchester-united-victor-lindelof-xirfad-farsamo-iyo-tayo/">WARBIXIN: Waa Kuma Bartilmaameedka Bisha January Ee Kooxda Manchester United Victor Lindelof ? Xirfad, Farsamo Iyo Tayo</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *