Home » Horyaalada » Premier League » “Wax Cudur Daar Ah Uma Hayo Guuldaradeena!” Wenger Oo Weerar Ku Qaaday Qaar Kamid Ah Ciyaartooydiisa Ka Dib Guuldaradii Southampton

“Wax Cudur Daar Ah Uma Hayo Guuldaradeena!” Wenger Oo Weerar Ku Qaaday Qaar Kamid Ah Ciyaartooydiisa Ka Dib Guuldaradii Southampton

Arsene Wenger

Arsene Wenger ayaa sheegay in ciyaartoydiisa aan loo sameyn karin wax cudur daar ah ka dib markii ay burburtay rajadoodii tartanka EFL Cup.

Arsenal ayaa 2-0 Emirates waxaa ku garaacday Southampton oo gaartay semi-finalka tartankaan markii ugu horeysay tan iyo 1987.

Tababaraha Gunners Wenger ayaa yiri: “Waxaan ka xumahay sida ay wax u dhaceen. Waxaan laheyn qaab ciyaareed niyadjab leh, gaar ahaan qeybtii hore.

Kieran Gibbs and Aaron Ramsey look dejected after the game

“ma sameyn difaac fiican qeybtii hore  waxaa naga dhashay gool dafiic ahaa ayu yiri Wenegr.

Si kasta ha ahaatee Wenger ayaa ku canaantay ciyaartooyda Arsenal in aysan laheyn wax cudur daar ah kulnkii xalay qasaaraha ay kala kulmeen Southampton.

“Ma aanan haysan degdeg nagu filan qeybtii hore waxaan muujinay qaab ciyaareed faqiir ah ayuu yiri Wenger.

Jordy Clasie celebrates scoring“Waxaan diidnay in aanan dhaleceyno garsooraha ama qof kale, waxaan kaliya dhihi karaa uma ciyaarin si fiican.

“Haddii aad dooneyso in aad soo celiso laba gool adigoo la ciyaaraya koox Premier League way adag tahay inaad ku hesho qaab ciyaareedkii xalay ciyaartooydeena ay muuiyeen.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/wax-cudur-daar-ah-uma-hayo-guuldaradeena-wenger-oo-weerar-ku-qaaday-qaar-kamid-ah-ciyaartooydiisa-ka-dib-guuldaradii-southampton/">“Wax Cudur Daar Ah Uma Hayo Guuldaradeena!” Wenger Oo Weerar Ku Qaaday Qaar Kamid Ah Ciyaartooydiisa Ka Dib Guuldaradii Southampton</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *