Home » Falanqeyn » Wax Walba Oo Aad Kaga Baahan Tahay Kulanka Quarter-Finalka Tartanka EFL Cup Ee U Dhaxeeya Liverpool vs Leeds United

Wax Walba Oo Aad Kaga Baahan Tahay Kulanka Quarter-Finalka Tartanka EFL Cup Ee U Dhaxeeya Liverpool vs Leeds United

Kubadsameeyaha Liverpool Philippe Coutinho ayaa seegi doona kulanka caawa quarter-final tartanka EFL Cup kooxdiisa soo dhaweyneyso Leeds sabab la xiriirta dhaawac ka soo gaaray canqowga.

Coutinho ayaa shan gool dhaliyay halka shan gool uu caawiyey horyaalka xilli ciyaareedkan wuxuuna ka caawiyay kooxdiisa in ay kujiraan kalinta labaad ee kala sareynta Horyaalka, hal dhibic ayayna ka dambeyaan kooxda Horyaalka hogaamineysa ee Chelsea,

Jurgen Klopp ayaa isku dayi doona in gaaro wareega afar dhamaadka koobka EFL xilli lciyaareedkii abaad oo isku xigta, waxaana tababaraha Jarmalka uu doonayaa inuu qaado koobkii ugu horeeyay isagoo ah tababaraha Liverpool.

Garoonka: Anfield 

Saacada: 10:45 PM

liverpool-vs-leeds

Maxaa Ka Cusub Labada Koox

Marka laga soo taggo Coutinho, saaxiibkiisa reer Brazil Roberto Firmino ayaa shaki dhaawac qaba ka dib markii uu dareemay dhaawac kubka ah kulankii sabtidii kooxdiisa 2-0 kaga badiyeen Sunderland.

Sidookale weeraryahanka kale ee Daniel Sturridge ayaa weli ka maqan tababarka kooxdiisa ka dib markii dhibaato ay soo gaartay, halka goolhaye Simon Mignolet uu bedeli doona goolhayaha dooqa koowaad ee Karius.

Tababaraha kooxda Leeds Monk ayaa is badal kusameyn ddoona shaxdiisa kulamada EFL Cup xilli ciyaareedkan, laakiin waxaa adag inuu garaaco Liverpool.

ciyaarta Horyaalka ee sabrtida uu ku wajahayo Aston Villa ayaa walwal weyn ku heysa tababare Monk oo aan qabin dhaawac cusub kadib markii kulankii ugu dambeeyay 2-1 ay kaga badiyeen kooxda Rotherham.

Image result for Liverpool vs Leeds United

Xaqiiqada Kulanka

Tani waxay noqon doontaa markii afaraad oo Liverpool ay kula kulmaan Leeds tartanka League Cup, iyadoo ku guuleystay laba kamid ah sadexdii hore halka kan kale barbaro ay galeen.

Leeds ayaa laga badiyay sagaal ka mid ah 11 kulan ee ugu dambeeyay League Cup oo au ku wajaheen kooxaha Premier League waxaana kujira mid kasta oo kamid ah afartii kulan ee ay marti ahaayeen.

Reds ayaa u gudubtay quarter-final League Cup sadexdii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay, iyagoo dhaliyay 11 gool mudadaas.

kooxda cadaanka ee Leeds ayaa ciyaartay wareega quarter-finalka League Cup todoba jeer taariikhdooda kaliya hal oo ah 2000 ayay soo gudbeen.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/wax-walba-oo-aad-kaga-baahan-tahay-kulanka-quarter-finalka-tartanka-efl-cup-ee-u-dhaxeeya-liverpool-vs-leeds-united/">Wax Walba Oo Aad Kaga Baahan Tahay Kulanka Quarter-Finalka Tartanka EFL Cup Ee U Dhaxeeya Liverpool vs Leeds United</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *