Home » Horyaalada » Premier League » Wayne Rooney Oo Caawa Qarka U Saaran Inuu Jabiyo Rikoor La Taaban Waayay Mudo 43 Sano Ah

Wayne Rooney Oo Caawa Qarka U Saaran Inuu Jabiyo Rikoor La Taaban Waayay Mudo 43 Sano Ah

Weeraryahanka kooxdda Man United Wayne Rooney ayaa caawa qarka u saran inuu taariiq sameeyo hadii uu gool u dhaliyo kooxdiisa.

Kabtanka Ingriiska ayaa dib loogu yeeray kulanka caawa ka dhacaya Old Trafford ee dhex mari doona Man United iyo West Ham ciyaartaas oo ka tirsan quarter-final-ha tartanka EFL Cup.

Wayne waxaa uu heli karaa inuu jabiyo rikoorka ninka ugu gool dhalinta badan Man United ee Sir Bobby Charlton kaas oo 249 gool u dhaliyay kooxdda, waxaana uu rikoorkaan taagnaa mudo 43 sano ah.

Rooney oo 31 jir ah ayaa u baahan hal gool si rikoorkaas uu u bar bareeyo madaama uu isagu heysto 248 gool.

Charlton ayaa Man United u saftay 758 kulan kadib 17 sano oo uu xirnaa funaanada casaanka ah halka Rooney uu Man United u saftay 538 kulan isagooo funaanada Man Uniuted xirnaa 12 sano.

Ciyaartooyda ugu gool dhalinta badan Man United

graphic-rooney1

Kooxaha ugu badan ee Wayne Rooney goolal ka dhaliyay.

graphic-rooney2

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/wayne-rooney-oo-caawa-qarka-u-saaran-inuu-jabiyo-rikoor-la-taaban-waayay-mudo-43-sano-ah/">Wayne Rooney Oo Caawa Qarka U Saaran Inuu Jabiyo Rikoor La Taaban Waayay Mudo 43 Sano Ah</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *