Home » Horyaalada » La Liga Spain » XASAASI: Agaasimaha Paris Saint-Germain Oo Wadahadal Rasmi Ah La Furay Wakiilka Mucjisada Barcelona Lional Messi

XASAASI: Agaasimaha Paris Saint-Germain Oo Wadahadal Rasmi Ah La Furay Wakiilka Mucjisada Barcelona Lional Messi

PSG's director of football Patrick Kluivert has reportedly made contact with Messi's father Jorge

Lionel Messi ayaa wali diidan inuu Heshiis cusub u saxiixo kooxda Barcelona taasoo keentay in kooxda Faransiiska ka dhisan ee PSG Agaasimaheeda kubada cagta uu la xiriiro aabbaha Messi ninka lagu magcaabo Jorge.

Agaasimaha kubada cagta PSG, ahna halyeeygii hore ee Barcelona Patrick Kluivert ayaa biloway xiriir uu la sameynayo Aabaha Messi oo sidookale ah wakiilkiisa.

PSG, ayaa kamid ah kooxo waaweyn oo ka dhisan Yurub kuwaasoo xiiseynaya Messi, waxaana kujira Manchester City iyo United.

Xiddiga reer Argentina ayaa iska diiday heshiis cusub oo Camp Nou looga soo bandhigay xagaagii hore iyadoo wararka soo baxaya ay sheegayaan inuusan ku faraxsanayn ka ciyaarista Spain sabab la xiriirta musuqmaasuq cashuur oo lagu heysto.

Lionel Messi's future at the Nou Camp is the source of much speculation

Todobaadkii hore warar soo baxay ayaa sheegayay in Lionel Messi lacag £ 85million uu ku dhaqaaqi doono marka la gaaro dhamaadka qandaraaskiisa kooxda Barcelona.

Wadahadalo ayaa lagu wadaa in ay dib ugu bilaawdaan Messi wakiiladiisa iyo kooxda Barcelona bisha soo socota markaas oo aabihiis  Jorge u duuli doono Spain si uu kaga qeyb galo kulanka Clasico ee Real Madrid iyo Barcelona.

Messi, oo 29 jir ah, ayaa la fahamsan yahay inuu dalbanayo mushaar £ 825,000-isbuuciiba ah, kaasoo ka badan kan uu hadda qaato Cristiano Ronaldo oo ah £ 300,000 isbuuciiba.

Laakiin Barcelona ma awoodi karto heshiis noocan oo kale ah, iyadoo wada hadalo qandaraas cusub sidookale ay kula jirto Luis Suarez iyo Ivan Rakitic.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/xasaasi-agaasimaha-paris-saint-germain-oo-wadahadal-rasmi-ah-la-furay-wakiilka-mucjisada-barcelona-lional-messi/">XASAASI: Agaasimaha Paris Saint-Germain Oo Wadahadal Rasmi Ah La Furay Wakiilka Mucjisada Barcelona Lional Messi</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *