Home » Falanqeyn » Xavi Oo Ka Hadlay Kulanka El Clasico, Mustaqbalka Messi, Soo Laabashada Iniesta, Rayadiisa Ah Inuu Tababare Ka Noqdo Barcelona Oo uu Madaxweyne Ka Yahay Pique

Xavi Oo Ka Hadlay Kulanka El Clasico, Mustaqbalka Messi, Soo Laabashada Iniesta, Rayadiisa Ah Inuu Tababare Ka Noqdo Barcelona Oo uu Madaxweyne Ka Yahay Pique

http://estaticos.sport.es/resources/jpg/5/8/

Xavi Hernandez ayaa ka hadlay idaacada Isbaanishka ee Cadena COPE isagoo ka jaawabayay su’aalo lasoo weydiinayay.

Heshiiska Lionel Messi iyo inuu ka tagi doono kooxda Barcelona ayaa la weydiiyay Xavi, waxaana uu ku jawaabay Leo Messi waa aragnay inuu ku faraxsan yahay Barcelona, waxaan ku kalsoonahay inuu sii joogi doono kooxda Barcelona.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa dhinaca kale tilmaamay in Clasico ay adag tahay in la saadaaliyo, “El Clasico waa kulan ka duwan kulamada kale ee caadiga ah. xitaa haddii 20 dhibcood sareyso Real Madrid waa kulan weyn, waxaan rajeynayaa Barcelona in ay sameyn doonto wax ka duwan kulankii Anoeta.”

Si kastaba ha ahaatee, Xavi ayaa hadalkiisa raaciyay: “in Baarcelona ugu cadcadahay kulankaan madaama lix dhibcood ay ka dambeeyaan kooxda Real Maadrid.

Xavi aya dhanka kale ka hadlay Andres Iniesta aad. “Iniesta waa ciyaaryahan ay Barcelona u baaahan tahay markasta oo uu ka maqan yhay, waxaan rajeynayaa inuu ka qeyb qaadan karo guusha kooxda madaama uu kasoo laabtay dhaawac ayuu yiri.

Ugu dambeyntii, Gerard Pique iyo hamigiisa ah in uu noqdo madaxweynaha kooxda, ayuu ka hadlay Xavi: “waxaan isleeyahay awood inuu u leeyahay Pique inuu noqdo madaxweynaha Barcelona.”

Mar la weydiiyay hadii uu jeclaan lahaa inuu tababare ka noqdo Barcelona, Pique oo madaxweynaha Barcelona ah, Xavi ayaa ku jawaabay: “waa fikrad fiican taas, waan hubaa in ayy dhici doonto.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/xavi-oo-ka-hadlay-kulanka-el-clasico-mustaqbalka-messi-soo-laabashada-iniesta-rayadiisa-ah-inuu-tababare-ka-noqdo-barcelona-oo-uu-madaxweyne-ka-yahay-pique/">Xavi Oo Ka Hadlay Kulanka El Clasico, Mustaqbalka Messi, Soo Laabashada Iniesta, Rayadiisa Ah Inuu Tababare Ka Noqdo Barcelona Oo uu Madaxweyne Ka Yahay Pique</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *