Home » Horyaalada » Premier League » Yaa La Dhahaa Philippe Coutinho? Macalin Klopp Oo Digniin U Diray Ciyaartooyda Liverpool Ee Wax Kale Ismooday!!

Yaa La Dhahaa Philippe Coutinho? Macalin Klopp Oo Digniin U Diray Ciyaartooyda Liverpool Ee Wax Kale Ismooday!!

kloppppppCiyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Philippe Coutinho ayaa laga yaabaa inuu maqnaado muddo lix isbuuc ah, kadib markii ninka reer Brazil uu soo gaaray dhaawac canqowga ah intii lagu jiray kulankii Sabtidii Premier League kooxdiisu ka badiyeen Sunderland.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay in Coutinho 24-sano jir ah la filayo inuu garoomada ka maqnaado muddo shan ilaa lix isbuuc ah ka dib markii baaritaano lagu sameeyay gelinkii dambe ee shalay lagu xaqiijiyay inuu qabo dhaawac canqowga ah.

Philippe Coutinho  ayaa bareelo looga saaray garoonka qeybtii koowaad ee ciyaarta kadib markii ay isku dhaceen ciyaaryahanka kooxda Sunderland Didier Ndong.

Tababare Jurgen Klopp, ayaa wali kalsooni ku qaba in kooxdiisa Liverpool tayo ku filan leedahay xitaa haddii uu ka maqan yahay Coutinho.

“Phil Coutinho waa ciyaaryahanka kubadda cagta u fiican, laakiin haddii aynu isaga heli karin dhawrka maalmood ee soo socda ama toddobaadyada taasi cudur daar nooma ahana doonto” ayuu u sheegay suxufiyiinta macalin Klopp.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.com/wararka/yaa-la-dhahaa-philippe-coutinho-macalin-klopp-oo-digniin-u-diray-ciyaartooyda-liverpool-ee-wax-kale-ismooday/">Yaa La Dhahaa Philippe Coutinho? Macalin Klopp Oo Digniin U Diray Ciyaartooyda Liverpool Ee Wax Kale Ismooday!!</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *